WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Midowga Musharaxiinta oo weerar Afka ku qaaday MW Farmaajo

By xuseen waashitoon

December 26, 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Midowga Musharrixiinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Xasan Sheekh oo Warbaahinta la hadlay kadib kulan ay yeesheen Midowga musharrixiinta ayaa sheegay in Caqabada ugu wayn ee doorasho in ay dalka ka dhacdo hortaagan ay tahay Madaxwaynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in qoraalkii xalay uu soo saaray Farmaajo uu yahay mid waali ah oo aan miirqab aheyn, isla markaana dulqaadka dadka Soomaaliyeed ay sameynayaan uu u qaatay dayuusnimo.

Dhinaca kale Xasan Sheekh wuxuu sheegay in hadalkii shalay uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu daba socso kii hore oo uu dalka qatar ku galiyay , isaga oo ugu baaqay in dalka uusan qatar gelin, wixii dhacana uusan la wadaageen Farmaajo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA