WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Midowga Musharaxiinta oo Go’aan CULUS kasoo saaray Doorashada socota

By xuseen waashitoon

December 01, 2021

Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray bayaan ka kooban labo bog oo ka soo baxay kulamo maalmahan uga socday magaalada Muqdisho oo looga hadlay boobka lagu hayo doorashada golaha shacabka.

Midowga Musharaxiinta ayaa ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo Nabadgelyo la’aan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey Midowga Musharaxiinta ku eedeeyeen inuu boggaadiyey boobka ay maamul Goboleedyada qaarkood ku hayaan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo ka socota dalka

Waxay kaloo ay caddeeyeen in mas’uuliyadda ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka.

 HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA