WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mdaxweynaha Somaliland oo la kulmay wafdi ka socday Itoobiya

By Xuseen Post

June 24, 2021

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qaabiley wufuuda ku soo wajahan magaalo Marseedka Berbera oo maanta la shaacin doono furitaanka wejigii koowaad ee ballaarinta Dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp World.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la kulmay wefti ballaaran oo uu hoggaamainayo wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele Iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu qaabiley ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Mudane Baciro Dja iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka soo qaybgalay munaasibada furitaanka Dekeda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland oo maalintii labaad ku sugan Gobolka saaxil gaar ahaan Magaalo madaxdiisa Berbera ayaa gelinka dambe ee maanta si ramsiya xariga uga jari doonta wajiga koowaad ee ballaarinta Dekada Berbera.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA