WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Maxkamadda Ciidamada oo xukuno ku riday Dad Ajaanib ah

By xuseen waashitoon

August 09, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno ku riday laba Nin ah oo mid kamid ah u dhashay dalka Tanzania, halka mid kalena uu heysto dhalashada dalka Sweden oo uu ka yimid, kuwaasi oo lagu helay kiis ah inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ragga ay xukuntay Maxkamadda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Abuu Zubeyr oo ah Nin u dhashay dalka Tanzania iyo Cabdiraxmaan Nuur Yuusuf (Xiis) oo heysta dhalashada Sweden, asalkiisuna uu yahay Soomaali.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ku xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Xiis iyo Abuu Zubeyr lagu xukumay mid 15 sanno oo xabsi ah, maadaama ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ninka u dhashay Tanzania oo dalka ka soo galay xuduuda Kenya ayaa mudo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana la qabtay xilli uu ku howlanaa siduu ugu biiri lahaa kooxda Daacish.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Nuur Yuufus (Xiis) oo asalkiisu yahay Soomaali heysta dhalashada dalka Sweden ayaa isna Soomaaliya soo galay sanadkii 2019-kii, si Al-Shabaab uu uga barbar dagaalamo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA