WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Maxkamadda Ciidamada oo Dil ku xukuntay Askari dilay Darawal Mooto

By xuseen waashitoon

January 16, 2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga oo dhawaan darawal Mooto Bajaaj si bareer ah ugu dilay degmada Balcad.

Eedeysanaha Askariga ah ayaa lagu magacaabaa Xasan Juulle Shaakir oo darawal Mooto Bajaaj ku dilay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo markii hore baxsaday, kadibna gacantaayaa lagu soo dhigay Askarigaas.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa dalbatay in Xasan Juulle Shaakir oo ah Askari ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda Soomaaliya lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaastii darawalkii uu dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Taliye Cariif.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Calinuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay in Xasan Sheekh Juulle lagu xukumay dil toogasho ah.

Shalay ayey markii sidaan oo kale ay Maxkamadda ciidamada ay dil toogasho ah ugu riday Askari ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka oo isna si bareer ah degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ugu dilay Ganacsade danyar oo da’diisu aheyd 65-sanno jir.