WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxkamad Amartay in xabsiga lagu haayo Eedeysanayaal Ajaanib ah

By xuseen waashitoon

July 23, 2023

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto 36 ruux oo ku eedeysan kalluumeysi sharci darro ah in ay ka sameeyen xeebaha Soomaaliya.

Eedeysanayaasha oo hore ay xukunka ugu soo riday Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa racfaan kasoo qaatay maadaama qareenadooda ay sheegeen in aysan ku qancin.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa fadhiga maanta kusoo bandhigay qalabka lagula socdo dhaqdhaaqa maraakiibta, oo sheegayay xilliyada doomahaan ay soo galeen aaga dhaqaalaha gaarka ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Saciid Cali Maxamed ayaa soo gaba-gabeeyay fadhiga maanta waxaana uu sheegay in Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA