WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Maxay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta?

By xuseen waashitoon

July 16, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heleyaan in ay dalkaas u dhoofiyaan waxsoosaarka kalluunka dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Cabdikariin Cali Kaar oo kulanka Madaxweyneyaasha kadib shir Jaraa’id qabtay ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada ay ku heshiisyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA