WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maxamed Mursal oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Khudbadda-Video

By Abdi rashid

April 30, 2018

Xildhiban Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal, oo ahaa waasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, oo uu iska casilay toddobaadkii tagey, ayaa ka adkaaday musharaxiin dhowr ah oo xilkaas kula tartameysay.

Wuxuu wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Ibraahim isaaq Yarow.

Maxamed Mursal ayaa wareeggii labaad helay 147 cod, halka Ibraahim Isaaq Yarow uu ka helay 118 cod. Waxaa codeeyey 265 xildhibaan.

Maxamed Mursal ayaa beddelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo xilka afhayeenka baarlamanka iska casilay 12-kii April.

HALKAN KA DAAWO VIDEO