Shirkaan Madasha Garsooreyaasha oo labo cesho uga socday magaalada Muqdisho ayaa looga doodayay sidii lagu horumarin lahaa adeegga fullinta dacwadaha iyo Garsoorka Maxkamadaha Gobalka Banaadir.
Madashan oo ay ka qeyb galeen garsooreyaasha maxkamadaha ku yaala Degmooyinka Gobalka Banaadir, howlwadeennada iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa labadii maalmood ay socotay waxay garsoorayaasha isku weydaarsadeen warbixinno iyo su’aalo la xiriira dembiyada dacwad fullinta, iyagoo falanqeeyay Garsoorka iyo cadaalad sameynta
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdiqaadar Maxamed Xasan ayaa ku baaqay in Madasha Garsoorka lagu soo daro Maxkamadaha Dowlad Gobaleedyada Dalka.
RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Baashe Yuusuf Axmed oo soo xiray shirka ayaa sheegay in tallooyinka laga soo jeediyay kulanka Madasha Garsoorayaasha la dhaqangelin doono.