Shirka golaha wadatashiga qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho, ayaa waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana diiradda lagu saaraya dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.
Shirka ayaa isfaham ku soo gabagaboobay maalintiisa koowaad, waana uu sii socon doona maalinta berri ah.
Afhayeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim macalimuu, ayaa sheegay in shirka ay ku kala warqaadanayeen madaxdu waxyaabaha qabsoomay, horumarada la sameeyey iyo haddii ay jireen caqabado mudadii bisha ahayd ee ay kala maqnaayeen.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
“Ra’iisul Wasaaraha ayaana guddiga doorashadda u xil saaray dhinaca farsamadda iyo inay soo dhiraandhiraan qorshayaashooda, berri ayaana la dhageysanaya “ ayuu yiri Maxamed Ibraahim macalimuu.