Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa Khudbad la yaab leh ka jeediyey Kulan soo dhowayn ah Jaaliyada kasoo jeeda deegaanada Somaliland ee ku sugan Minnesota ay u Qabteen.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuu siwayn uga hadlay Dhibaatooyinka Qaybi oo Xukun ee lagu hayo shacabka khaatumo, Wuxuu sidoo kale ka hadlay dhaqaalle uu sheegay inay Isimada qaarkamid ah ka helaan Somaliland Iyo Wadahadalkii Khaatumo iyo Somaliland “Khaatumo cidna marti uma Noqonayso, mana dhaqayso Somaliland Qaybi oo Xukun, Anigu wax xil ah kama rabo Somaliland, Waxaan maqlayey Cali Khaliif Gaadhi, Gabadh iyo Guri baa la siinayaa, Anigoo gar Cadaawe ku jira hadii taasi dhacdo cadaaalad maaha, “Ayuu yidhi.
Dhinaca kale wuxuu Rajjo Xumo ka muujiyey Xaalada guud ee Soomaaliya “Rajjo Soomaaliyeed waxay ka imaan kartaa Somaliland, Maanta Muqdisho Rajjo wanaagsan kama muuqato, Qabiilkii iyo dhibaatadii Waxaa inoogu darsantay Carab, oo mid kasta doonayo inuu ciidan dhisto dalkana Farageliyo ” Ayuu yidhi Cali Khaliif.
“Somaliland oo isku timaada oo salka dhulka dhigta, Waxaan qabaa Xal u noqon karto Arinta Koonfurta ” Ayuu hadalkiisa raaciyey.