Garoowe ( HM ) Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa guray Mooshin Xilka qaadis ah oo laga Gudbiyey Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland,Cabdixakiin Axmed Dhoobodaareed iyo Sababta ka dambaysa arintaasi.
HALKAN KA DAAWO
Waxaa Arimaha lagu eedaynayo kamid ah inuu Xidhiidh la leeyahay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Sidoo kalana aanu ku xidhnayn Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo kamid ah Baarlamaanka ayaa sheegay inay Jiraan Wararka Sheegaya Mooshinka laga wado Gudoomiyaha Baarlamaanka , Wuxuuna sheegay inay Arintaasi Wadaan Xubno ku dhow madaxwaynaha Puntland Siciid DENI.
“Gudoomiyaha Dambi ma gelin, Dastuur Jebin ma samayn, Puntland dambi kama gelin, Balse laguma eedayn karo Gudoomiyuhu Feker lama aha Xukuumadda gaar ahaan Arinta Federaalka”. Ayuu yidhi Xildhibaan dhoore.