Mullah Baradar Akhund, a senior official of the Taliban, makes a video statement, in a still image taken from a video recorded in an unidentified location and released on August 16, 2021. Social Media/via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY.

WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxaa ka jira in la dilay R/Wasaare ku-xigeenka Taalibaan?

By Xuseen Post

September 13, 2021

Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan haddana ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Afghanistan ayaa maanta baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaana caafimaad qabo.

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaadkii tegay loo magacaabay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan Akhund oo hoggaaminaya xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Taalibaan, ayaa dacaayad been abuur ah ku tilmaamay xanta ku saabsan dhimashadiisa.

Wararkan la xiriira dhimashiisa ayaa aad u qabsaday baraha bulshada gaar ahaan dalka India halkaasi oo lagu sheegay in lagu dhaawacay hoobiye kadib iska horimaad madaxtooyada Afghanistan ku dhex-maray laba koox oo ka kala tirsan Taalibaan.

Suurta-gal ma aheyn in si madax-banaan loo xaqiijiyo codka, hase yeeshee waxaa lasoo dhigay bogagga rasmiga ah ee kooxda – oo uu ku jiro midka afhayeenka xafiiska siyaasadda ee xukuumadda cusub.

Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sidoo kale dhowr sano la isla dhex-marayey inuu dhintay kahor inta aanu afhayeenka kooxda sheegin “inuu ku sugan yahay Kandahar” laba toddobaad kadib markii ay qabsadeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA