Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Maxaa hor taagan in uu Dagaal ka dhaco Deegaanka Tukaraq,maxaase la gudboon Dhulbahante-Video+Warbixin

Muddo ka badan hal bil waxaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool isku horfadhiya Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Puntland, tan iyo markii ciidanka Soomaaliland ay qabsadeen deegaankaasi 8-dii bishii January ee sanadkan 218-ka iska hor imaad aan dhiig ku daadan oo mudo kooban socday.

Ciidamadda labada dhinac oo isu jira masaafo aad u yar ayaan weli gelin dagaal rasmi ah oo ay fool ka fool iskaga hor yimaadaan,waxaana Deegaanka maalinba maalinba maalinta ka danbaysa soo gaadhaya boqolaal Ciidamo ah iyo gurmad u imaanaya labada dhinac ee isku hor fadhiya deegaanka.

Haddaba maxaa hor taagan in Dagaal uu ka dhaco Tukaraq?

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa markii Soomaaliland qabsatay deegaankaasi Tukaraq waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay iska difaacdo Soomaaliland hase yeeshee ay tixgelinayso codsiyada Beesha caalamka iyo Dalalka deriska ah uga imaanaya, taas oo u muuqatay inuu jiro cadaadis Beesha caalamku ku dooneyso in ay dhex dhexaadin ka samayso labada dhinac isla markaana lagu xaliyo xal siyaasadeed oo kale xiisadda ka taagan Deegaanka Tukaraq.

Dhanka kalena, maamulka Soomaaliland ayaa diidey inuu ka baxo deegaankaasi waxaana ay sheegeen inuu yahay Dhul uu siiyey maamulkii gumaystihii Ingiriiska oo maamuli jirey deegaamada maamulkaasi sheegayanayo oo ay Tukaraq oo ay dhawaan qabsadeen ka mid tahay,halka Maamulka Puntland isna sheeganayo dhul badan oo hadda Somaliland ka arrimiso,sidda Sool oo dhan qaybo Sanaag kamid ah iyo Buuhoodle.

Dadka ka falanqeeya arrimaha Colaadaha iyo Deegaanka ayaa iyaguna qaba in sababta labada dhinac midkoodna Dagaal u qaadi wayay ay tahay arrimo dhaqaalle xumo oo ay ka siman yihiin Puntlamd iyo Somaliland,taasna ay keenayso in uu midkoodna ku deg degin Dagaal ka qarxi Deegaanka.

Haddaba qaar kamid ah Siyaasiyiinta Beelaha degga Gobolka Sool ayaa sheegay in wax kasta la diyaariyey haseyeeshee dagaalka ay hortaagan tahay Beesha Caalamka oo Muuse Biixi ka dhaadhicinaysa inuu ku laabto deegaanka Gambadha oo hore fadhiisin ugu ahayd Ciidanka Maamulka Somaliland ee hadda gaadhay Tukaraq.

Maxaa la gudboon Dhulbahante oo ah Dadkii lahaa Deegaankan lagu Hardamayo?

Mar haddii xaalku yahay Puntland waxay ku qanacsan tahay in lagu laabto Gambadha iyaduna kusoo laabato Tukaraq oo dhulka kale ee SSC,na sii haysto Somaliland,Somaliland,na ay ku qanacsan tahay in ay tagto Geedka Yoocada oo Duleedka Garoowe ah maxaa la gudbnoon umaddii lahayd dhulkan lagu Hirdamaayo?.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

Exit mobile version