WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mareykanka oo joojinaya Gargaarkii uu siin jiray Falastiniyiinta-Video

By Abdi rashid

January 17, 2018

Mareykanka ayaa hakiyay kala bar kaalmadii lacageed ee uu siin jiray Maamulka Falastiniyiinta, taasoo loo marin jiray Hey’ad ka tirsan Qaramada Midoobey.

Kaalmada lacageed ee uu Mareykanka siin jiray Falastiin ayaa ahaa kuwo dhinaca gargaarka bani’aadanimada laga taageeri jira.

Mas’uul ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in sanadkan la siin doono Falastiin 60 milyan oo dollar kaliya, hase ahaatee la hakin doono 65 milyan oo dollar, isla markaana mustaqbalka qiimeyn lagu sameyn doono.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay hakinta Mareykanka ee dhaqaalihii la siin jiray Falastiniyiinta.

Mr Guterres ayaa sheegay in kaalmada dhaqaale loo marin jiray Hey’adda UNRWA, waxaana lagu taageeri jiray qaxootiga Falastiniyiinta ay ahaayeen kuwo muhiim u ah xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Trump ayaa horay ugu hanjabay inuu dhaqaalaha ka jari doono dalalkii ka soo horjeestay go’aankii uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.