Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah dagaalamayaasha ururka Al-shabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia gaar ahaan dowlad Goboleedka Galmudug.

Hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Jihaad doonka ah.

Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay Madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Khamiistii, seddex senetar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden in uu ku guuldareystay inuu raadsado ogolaansho duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxayna sheegeen in loo baahan yahay isla xisaabtan ku aaddan ammaanka qaranka.

Exit mobile version