Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Mareykanka Maxakamad 12 Sano ku xukuntay Soomaali hore Gabadh cadaan ah u dilay-Video

Mineapolis ( HM) Garsoore ku sugan maxkamad ku taal magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xabsi 12 sano iyo badh ah ku xukumay Maxmuud NUUR oo ahaa askari ka tirsan booliksa mInneapolis, oo Asalkiisu yahay Soomaali.
Xukunkan ayaa yimid ka dib markii xeerbeegti ka kooban 12 qof ay ku heleen inuu dil u gaystay haweenay u dhalatay dalka Australia.

Hadal uu jeediyey ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay Toogashada uu gaystay, Balse wuxuu xusay inuu Cabsi uu dareemay darteed uu dilka u gaystay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu Noqonayaa Booliskii ugu horeeyay ee Xabsi loogu Xukumo dambi uu gaystay isagoo shaqadiisa ku jira, waxayna Jaaliyadda Soomaalidu sheegeen in Xukunka lagu riday uu ahaa mid ku salaysan Midabkiisa iyo diintiisa, Oo aan loo marin Jidka loo maro Booliska kale ee dambiyadda gaysta.

Exit mobile version