Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Mahdi Guuleed oo beeniyay Eedeyn Culus oo loo jeediyay


Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa beeniyay Qoraal la faafiyay oo lagu sheegayay in Golaha Siyaasiyiinta Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ay heshiis la gareen isaga kuna aadan Arrinta Guddiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in uusan jirin wax kulan iyo heshiis oo dhexmaray isaga iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland garabka Cabdi Xaashi, isla markaana Qoraalka la faafiyay uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Qoraalka la faafiyay ayaa lagu soo bandhigay is afgarad ku saabsan saddex qodob iyo qodob aan la isku afgaran oo la sheegay inuu diidan hahay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, gaar ahaan qodobka dhismaha Guddiyada doorashooyinka oo ay labada dhinac u soo dhisaan si isla eg, heshiisna lagu yahay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka iyo Warbixinta.

Exit mobile version