Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Magacaabista Wasiir Saalax xal ma u noqon kartaa cabashadii Xildhibaanada Soomaliland ee Dowladda Federaalka?-Video

Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka ah ee oo muddo bil banaanaa, kaddib markii uu geeriyooday Wasiirkii xilkaas hayay Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Saalax Axmed Jaamac oo horay u ahaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dastuurka, taasoo ah markii u horeysay Mas’uul ka soo jeeda Somaliland in loo magacaabo xilkaas 15-kii sano ee dowladdihii isaga kala dambeeyay sida dowladdihii KMG iyo dowladdii hore.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xilka Wasiirka dastuurka dowladda Federaalka ayaa sanadihii u dambeeyay loo magacaabayay dad ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.

Hadal heyno iyo su’aalo badan ayaa ka dhashay in magacaabidaas oo ku soo aaday xilli siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee xubinta ka ah Baarlamaanka Federaalka ay cabasho ka keeneen qaabka ay u socoto dib u eegista Dastuurka iyo in aan Somaliland lagu cadeyn arrimaheeda.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo todobaadkii hore ka hadlayay kulan warbixin looga dhagetsanayay Guddiga Dib u eegista Dastuurka ayaa sheegay inay cabasho ka muujinayaan sida ay u socoto howsha dib u eegista Dastuurka, isagoo xusay in aan la caddeeyo in Dastuurkan halka Somaliland ka soo gasho iyo haddii uu yahay Dastuur Koofur ama Dastuur ka dhaxeyso Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan dooneynaa in Baarlamaanka lasoo dhax-dhigo arinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, Dastuurka la sheegayana hala-caddeeyo ma Koofur kaliyaa, maamulada kale markii arin laga rabo waxaa loo diraa dadka matala, anaga haddii nala ka tallaabo ogaada waan ka baxaynaa Baarlamaanka,Xukuumadda iyo hay’adaha kale”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Dooda ku saabsan arrinta Somaliland oo horay uga dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale iyo inay tahay dal madax banaan ayaa soo jiitameysay 20-kii sanoe e u dambeeyay, iyadoo dowladda Federaalka ay xubno ka soo jeeda u matalayeen, kuwaasoo aanay awood u laheyn inay deegaanadooda tagaan.

Lama oga waxa ay ka bedeli doonto howshii socotay ee dib u eegista Dastuurka in Wasiir ka soo jeeda Somaliland la magacaabo, waxaana Dastuurka qabyada ee howshiisa socoto laga doonayaa in lagu dhameystiro sanadkan gudihiisa, isla markaana noqdo Dastuur lagu heshiiyay oo afti dadweyne loo qaaday, taasoo aanay xilligan suura gal aheyn, marka loo eego duruufaha dalka ka jira, sida ammaanka.

JOWHAR.COM

Exit mobile version