Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfur Glbeed iyo Hirshabeelle ayaa habeenkii xalay aheyd kulan gaar ah Xerada Xalane kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+.
Kulanka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu fashil ku dhamaaday shir ay yeesheen Madaxweynaha dowladda Farmaajo, RW Xukuumadda, Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Saddexda ah ee taageersan dowladda inay eedda saareen Jubbaland iyo Puntland, waxaana ay codsadeen in la fasaxo oo dib deegaanadooda ugu laabtaan.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa weli ka quusan dadaalkooda ku aadan sidii madaxda Soomaalida la isugu keeni lahaa, isla markaana ay doonayaan in heshiis deg deg ah laga gaaro Doorashada dhaceysa.