WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo siweyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

By xuseen waashitoon

May 31, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Guduud soo dhoweyn ugu  sameeyey, Madaxweynaha KGS, masuuliyiin ka kala socday Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA