WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Guudlaawe oo Amar siiyay Laamaha Amniga Hirshabeelle

By xuseen waashitoon

December 14, 2021

Madaxweynaha dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shir guddoomiyay shirka amniga Hirshabeelle oo ka qabsoomay magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka.

Shirka oo maanta ay ka soo qeybgaleen maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, taliyaha Guutada 3-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, taliyaha Madaxtooyada Hirshabeelle, taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay taliska Booliiska Hirshabeelle, taliyaha Ciidamada Danab ee Deegaanada Hirshabeelle iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hey’addaha Amniga isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo adkeynta amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Caasimada Jowhar.

Kulanka ayaa kusoo beegmay, xili Madaxweyne Cali Guudlaawe uu shalay dib ugu laabtay Magaaalada Jowhar, waxaana Magaaladaas dhawaan ka dhacay qarax lagu dhaawacay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA