Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Madaxweyne Farmajo qaabkii Itoobiya loogu soo dhaweeyay iyo Shirka Madaxda Africa oo maanta furmaya-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo galabta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

Exit mobile version