Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa digreeto uu xalay soo saaray waxaa uu xilkii uga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Wasiirka Warfaafinta.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xilka qaadista ayaa ka dambeysay saacado kaddib, markii xalay Golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen inay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.
Taabid Cabdi Maxamed ayaa muddo 10 bilood soo hayay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, waxaana xil ka qaadistiisa ku soo aaday, iyadoo khilaaf ka taagan maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir.