Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo Mucaaradka meel fagaare ah ugu hanjabay-Video

Muqdisho ( HM ) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa  Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay dhimashada labada dhalinyarada ah oo Nin Askari ah maanta dilay, isagoo tilmaamay in askarta looga baahan yahay inay shacabka naftooda difaacaan, Kuwa dhib u gaystayna sharciga la horgayn doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaan bax aan sharciyeysneyn.

“Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Mudaaharaad aaan sharciyeysneyn.. mudaaharaad lagu burburinayo hantida ganacsatada ma ogolaaneyno… argagixsiada waxaa u haray inay idinku soo dhex dhuntaan… dowladdaan Wadaddii caddeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso.. umadda Soomaaliyeed way socotay… hore ayaan u soconeynaa… shacabkeena ayaan u adeegeynaa…” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo ay ka muquatay inuu cadheysan yahay.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ka digay in Soomaaliya lagu celiyo dhibaatadii ay kasoo baxday, Wuxuuna sheegay inay Gacan bir ah wax uga Qaban doonaan Qaswadeyaasha kasoo Horjeeda Dawladnimada.

“Danley yeysan been idin sheegin… Soomaaliya waxa meesha dhigay waa dad qabiileystayaal ah oo qabiil ku shaqeysta.. annagu ma ogolaaneyno wiilasha iyo gabdhaha yaryar ee Soomaaliyeed in mustaqbalkooda iyo noloshooda lagu ciyaaro.. Waxaan Alle hortii ku ballan qaadeynaa ciddii isku dayda inay hor istaagto Qaranimada, Dowladnimada Soomaaliyaad iyo karaamada wallaahi gacan adag ayaan ku qabaneynaa…” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Farmaajo.

Exit mobile version