Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo maanta qalinka ku duugay sharciga la dagaalanka musuq maasuqa!!.

Muqdisho ( HM) Waxaa Goor-dhowayd Muqdisho lagu Qabtay  Munaasibad uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo)  ku saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa loogu Qabtay  xarunta madaxtooyada Qaranka, taas oo lagu meel mariyey sharcigaasi.

Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda   Dr. Bayle ayaa hadalo kala duwan ka jeediyey Munaasibada, Iyagoo Xusay Halka wanaagsan ee Soomaaliya ay u socoto Xiligan.

Sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuqmaasuqa oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta oo Sabti ah uu  qalinka ku duugay Madaxweyne Farmaajo.

Sharcigan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka, islamarkaana xilligan loo qabo baahi weyn guud ahaan Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa ka jeediyey Munaasibadda, Wuxuuna u mahad celiyey  golaha Wasiiradda iyo Xukuumadii Hore ee Soomaaliya oo Dadaal soo gelisay Sharcigan,  Wuxuu sidoo kale u mahad celiyey Gudiga Dhaqaalaha dalka oo Dadaal geliyey inuu sharcigan la Jaanqaado Caalamka.

“Maanta waxaynu helnay Qofkii is celin waaya, Inuu shacrigu celiyo, Musuq maasuqu maaha Lacag la Xado,  balse waa Qofka masuuliyadda uu hayo Si xun ugu Takri fala, Isagoo aan Alle ka baqayn, Maanta  Dalka ugu ugu Sareeya la dagaalanka Musuqa  waa dal Kirishtaan ah [Denmark] Balse inagoo Muslim ah ayaa ah Kaalinta ugu hoosaysa ee ah 194.” Ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.

Exit mobile version