WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo lagula taliyey inuu Hargeysa ka dego isagoo Calanka Soomaaliya wata-Video

By Abdi rashid

June 27, 2019

Muqdisho ( HM )  Iyadoo Lagu guda jiro Todobaadka Xoriyadda ee Soomaaliya, Islamarkaana shalay loo dabaal degay Munaasibadda 26-ka June, ayaa Idiris Cabdi Dhakhtar oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya Wuxuu madaxwayne farmaajo ugu baaqay inuu ka dego hargeisa isagoo sida calanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“ Markii hore calanka iyaga ayaa noo Keenay, waa in madaxwayne Farmaajo uu ka dego Hargeisa, oo Calanka uu geeyo, Waad ogtihiin Raysal wasaaraha itoobiya iyadoo labadii ciidan is horfadhiyaan ayuu Colaadii meesha ka saaray,  oo ka degay Eleteriya.”Ayuu yidhi Dhakhatar.

“Soomaaliya meelkasta oo kamid ah dhibaato ayaa ka dhacday, Balse Somaliland Maamul wanaagsan ayay samaysteen,  Waa inuu Qorshe la yimaado oo Calanka uu halkaasi geeyo, Soomaalina waxaa ku fiican midnimo”. Ayuu yidhi Xildhibaanku.