Madaxda Dawladda Soomaaliya ayaa ku guulaystay in Xabsiga dalka itoobiya laga soo daayo Wariyihiin Caanka ahaa ee Boqorka Badhtamaha Wuxuuna siwayn ugu mahad celiyey M R/wasaare Khayre iyo Madaxwayne Farmaajo. ” Weligay kama soo baxeen godka aan ku jiray, waxaa iga soo saaray Khayre iyo Farmaajo “ ayuu yidhi.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wariye Maxamed Aweys Muudeey “Boqorka bartamaha” oo markii uu Xabsiga kasoo baxay Warbaahinta lahadlay ayaa siwayn u muujiyey Dareen Farxadeed, Wuxuuna ka hadlay Qiimaha ay leedahay Dawladnimada, Isagoo maanta Calankiisa Hadhsanaya, Wuxuuna ugu danbayn siwayn ugu mahad celiyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay Inuu dib u helo Xoriyadiisa.
Boqorka Badhtamaha ayaa si xaqdaro ah ugu xukunaa 27 sano oo xabsi ah, Waxaana Alle qadaray inuu Dhibkaasi ka badbaado hada, Iyadoona in lagu amaano ay mudan tahay Dawladda Soomaaliya oo xilwayn iska saartay inay soo Badbaadiso dadkeeda ku xidhan daafaha Caalamka.