WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Deni oo Weerar Afka ah ku qaaday RW Xamse Barre

By xuseen waashitoon

May 09, 2023

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga jawaaba hadallo kasoo kala yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Deni oo si aad ah uga xumaaday hadalkii uu xalay sheegay Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay in uu yahay Nin xoghaye u ah Madaxweyne Xasan Sheekh balse aan aheyn Nin mas’uul ah oo Shaqadiisa gudan kara.

“Xogheynta Madaxweynaha ee Ra’iisul Wasaaraha sheegta farriinta uu soo faray waa maqalnay waa xoghaye, wuxuu leeyahay shaqaale dhalinyarada loo diiday shaqadiisa la qaatay muxuu shaqo kale cid siin karaa” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Hadalka Deni ayaa yimid, kadib markii Ra’iisul Wasaare Xamse uu sheegay in Puntland aysan dowladnimada Soomaaliyeed meeshii laga filayay ka taagneyn, isla markaana caqabad ay ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo lacagaha deynta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ugu baaqay shacbaka Puntland inay arrintaasi iska diidaan oo aysan bar madow ku noqon, inkstoo haddii arrintaasi lagu hungoobo mas’uuliyadda u saariyay maamulka jira ee uu hoggaamiyo Saciid Deni.