WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Somaliland oo dhambaal u diray Madaxweyne Geelle

By Xuseen Post

April 11, 2021

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga iyo dawladda Jabuuti, guushii ay ka gaareen doorashadii sida nabadgelyada ahayd uga qabsoontay dalkaasi jimcihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti horumarka ay Jabuuti ku tallaabsatay mudadii uu hoggaaminayay. labada dal iyo labada shacbi ee Somaliland iyo Jabuuti oo qoto dheeri oo soo jireen ahi ka dhaxeeyo.

Ugu danbayn Madaxweynuha ayaa waxa uu mar labaad ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumra Geelle guusha taariikhiga ah ee uu doorashada ka gaaray, isagoo u rajeeyey Madaxweynaha barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Madaxweyne Biixi.