WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Puntland oo Agaasimihii PSF ku eedeeyay arrin halis ah

By xuseen waashitoon

December 25, 2021

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Boosaaso, wuxuu faray dhammaan Ciidamada Puntland in aysan mardanbe  dhicin xabad, isagoo ugu baaqay shacabka Puntland in ay isdejiyaan Dowladda oo u tureysana ay fursadsiinayso nabadd in wax lagu dhammeeyo.

Dadkii ay saameeyeen shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, ayuu Madaxweynuhu la wadaagay dareenkooda iyo in uu ka xunyahay in Agaasimihii hore ee PSF uu xaafadaha magaalada ku duqeeyo Hoobiyeyaal, arrintaasi oo mustaqbalka u baahan baaritaan sax ah.

Wuxuu Madaxweynuhu faray Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka howlgalay gurmadka iyo garab istaagga dadka barakacay in ay dhakhso loo gaarsiiyo gurmadka loona fududeeyo Sidii dadku ugu laaban lahaayeen guryahoodii iyo noloshoodii caadiga aheyd.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu danbeyn Bulshada la wadaagay in Puntlaand  ay u taagantahay kala danbeynta, sareynta Sharciga iyo awooda Dastuuriga ah ee lagu heshiiyay, Sidaasi oo ay tahayna ay Puntland diyaar u tahay Soona dhoweysay  dadaalka nabadeed ee Isimada iyo Waxgaradka Puntland ay billaabeen, Iyadoo Dowladdu siinayso nabadeyntaasi fursad fiican .

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA