WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha oo amray in Saraakiisha Dhalinyarada loo magacaabo hoggaanada Ciidanka xoogga Dalka-Video

By Abdi rashid

December 26, 2017

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faray Taliska Ciidamada xoogga dalka in Saraakiisha dhalinyarada ee dibadda lagu soo tababaray loo magacaabo hoggaanada iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen C/wali Jaamac Gorod ayaa ku dhawaaqay in Saraakiil dhalinyaro lagu wareejin doono hoggaanada iyo qeybaha Ciidamada xoogga dalka, iyadoo la fulayo amarka Madaxweynaha.

“Madaxweynuhu wuxuu amray in saraakiisha dhalinyarada ah ee waxbaratay lagu wareejiyo hogaanka ciidamada, sidaa daraadeed waxaa is waafaqay sidii aan Annigu u fikirayay iyo doonista madaxweynaha waanan isku waafaqnay”ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Jen. C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in laga bilaabo maanta Saraakiisha dhalinyarada loo dhiibi doono hoggaanada ciidamada, sida Horin illaa koox sida uu hadalka u dhigay.

Qaar ka mid ah Saraakiishii dhalinyarada ee uu shalay Taliyaha kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka sheekeeyay tababaradii ay dibadda ku soo qaateen, waxaana mid ka mid ah oo lagu soo tababaray Mareykanka uu sheegay inay dad kula taliyeen inuu Mareykanka iska dhiibo, balse uu diiday, maadaama uu dalkiisa uu soo dirsaday, si uu ugu adeego.

HALKAN KA DAAWO VIDEO