WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub

By xuseen waashitoon

August 01, 2022

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 80 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir ku-xigeen iyo 26 Wasiiru dowle.

Wareegto kssoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu magacaabay Wasiirada cusub ee Hirshabeelle, kuwaasi oo intooda badan ah Xildhibaano kamid ah Maamulka.

Magacaabidda Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa qaadatay muddo labo sano ah, tan iyo markii Madaxweyne Cali Guudlaawe la doortay dhammaadkii sanadkii 2020.

Waxaana muddadaas shaqeynayay Wasiiradii Maamulkii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo xubno kooban oo isku shaandheyn lagu sameeyay.

Afhayeenka Madaxweynaha Hirshabeelle Daa’uud xaaji Cirro ayaa Warbaahinta u akhriyey wareegtada magacaabista Golaha Wasiiro cusub ee Maamulkaas

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA