WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha dibad wareegga ah ee Maamulka Somaliland Mustafe Martin oo sheegay in uu dhamaystiray Maamulkiisa kana hadlay arrinta Berbara-Video

By Abdi rashid

March 08, 2018

Mustafe Maxamed Martin oo dhowaan ku dhowaaqay inuu yahay Madaxwaynaha Maamulka Cusub ee United Somaliland ayaa ka warbixiyey Maamulkii uu soo dhisay, Heshiiskii ay galeen Dubai , Itoobiya iyo Somaliland iyo Xaalada Guud ee Soomaalida iyo Halganka ay maanta u baahan yihiin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inuu soo dhisay Xukuumad ka kooban 5 Waxood, Wuxuuna sheegay inuu shaacin doono 25-Xil oo kala duwan, Wuxuuna sheegay inuu Maxamed Cismaan Dhiirane iyo Faysal Faarax Suusle uu laba xil u magacaabay.

Isagoo ka hadlaya Heshiiska dekedda Berbera ayaa wuxuu sheegay inaysan Arintu ku Koobnayn Dekedda Balse Halkaasi lagu kala saxeexday Hantida Somaliland oo dhan , iyadoo Boqolkiiba 19 waxaa qaadan doonta Itoobiya Halka 51% ay Qaadan doonto Dubai, inta kalana ay heli doonto Somaliland. Wuxuuna sheegay inay kasoo Horjeedaan Heshiiskaasi.

Wuxuu ugu baaqay Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed inay Arintaasi u Arkaan Duulaan lagu soo Qaaday Guud ahaanba Soomaaliya, Wuxuuna sheegay inuu Heshiiskan Gaar u yahay Laba Beelood oo la isku dhaho Jeegaanta, Sida uu hadalka u dhigay.