Mustafe Martin oo dhowaan dalka Dibadiisa uga dhowaaqay maamul Cusub oo la magac baxay United Somaliland ayaa Warbaahinta usoo bandhigay Arimo badan oo ku saabsan Maamulka uu madaxwaynaha ka yahay iyo Qorshihiisa ku aadan deegaanada Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuu sheegay sidoo kale inuu wadahadal toos ah la furay Awdal State, Sidoo kalana uu soo dhowaynayo Khaatumo, Wuxuuna soo bandhigay Qorshihiisa ku aadan guud ahaanba daafaha Caalamka, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Qoraalo kala duwan oo Beesha Caalamka uu u gudbiyey.