Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Ghani ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka ku sheegay in la tashiyo ay u socdaan dowladda dhexdeeda iyo la hawlgalayaashooda caalamiga ah, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku qotomaan sidii xal siyaasadeed oo deg deg ah loo gaari lahaa dagaalada ka socda Afghahanistaan.
“Mudnaanteena kowaad waa Nabadda iyo xasilloonida Afgaanistaan” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Ghani.
Dhanka kale Kooxda argagixisada ah ee Daalibanka ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dhawaaqay inay Gacanta ku dhigeen qeybo ka mid ah magaalada Mazaaru-Sharif, oo ah xarunta gobolka Balkh.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Ilo wareedyo ku dhaw ciidamada dawladda Afgaanistaan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ku dileen 19 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Daalibaan, kadib dagaal ku dhexmaray degmada Shulgara ee gobolka Balkh.