Xilli ay weli sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa Magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Somaliland iska dhiibay mid kamid ah madax dhaqameedyadii ugu caansanaa Deegaanada Maamulka Puntland.
Ugaaska Beesha Axmed Harti (Tiinle) Ugaas Maxamed Ugaas Siciid Ugaas Maxamuud oo kamid ah Ugaasyada Beelaha Axmed Harti ayaa si rasmi ah uga degay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.