Madaxa-dhaqameedka Beesha Garxajis ayaa Shaaciyay Wakhtiga ay Sida Rasmiga Ah u qabanayaan Shirwayne ay Qaban-qabaadiisa Wadeen Mudooyinkii ugu dambeeyay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxay isla garteen inuu Shirkaasi Qabsoomi doono 15-ka Bisha Afraad ( April ), Waxayna sheegeen in Shirkaasi lagu qaban doono Gobolka Togdheer.
Dhinaca kale Waxgaradka Beesha Garxajis ayaa dagaalka kasoo Cusboonaatay Deegaanka Darar-wayne ee degmada Ceel-afwayn Dusha u saaray Xukuumad Somaliland “Meesha Laba Beelood kuma dagaalmayaan, waxaa ku dagaalamaya Beel iyo Xukuumad, Cida Hubka iyo Rasaasta siinaysa Beesha kale waa Xukuumadda, Hadii ay sidaas ku socoto waxaanu Balan qaadaynaa in Garxajis oo dhan ku Biiri doono dagaalka, waxba yaan Qiiq la isku Qarin. “ Ayuu yidhi Suldaan Maxamed C.qaadir oo ka hadlay.