Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Maamulka Soomaliland oo war kasoo saaray Socdaalka Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea -Video

Hargaysa (HM)-Maamulka Somaliland ayaa war ka soo saartay socdaal uu maanta Hargeysa ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed, iyadoo safarka wafdiga Eritrea ka socday uu ahaa kii u horeeyay ee Somaliland ku tagaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulan albaabada u xirnaa ayaa Madaxtooyada Ku dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, iyagoo ka wada hadlay arrimaha iskaashiga, xiriirka iyo nabadda Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa suxufiyiinta u sheegay in wafdiga uu qeyb ka ahaa La taliyaha madaxweynaha Eritrea, iyadoo la isku afgartay qodobadii ay ka wada hadleen labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel, ayaa isagana bartiisa Twitter­ka ku sheegay in safarka Wasiir Saalax uu la xiriiro Nabadda Gobolka Geeska Afrika, isagoo tilmaamay in safarkan yahay mid shaqo oo wafdiga ka socda Eritrea ay ku tageen Magaalada Hargeysa.

Amniga guud ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadada hormarta madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, waxaana sidoo kale Ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyay xaafadaha ku teedsan madaxtooyada.

Socdaalka Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea ku tagay Hargeyda ayaa ku soo aaday, maalin kaddib markii uu Muqdisho booqday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Exit mobile version