WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay u aqoonsato Dal ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale-Video

By Abdi rashid

November 24, 2017

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Maamulka Somaliland oo la hadlay Saxaafadda  ayaa waxa uu sheegay in wakhtigan aan loo baahnayn wada hadalo dhex mara Dowladda Somaliya iyo Somaliland, balse loo baahan yahay in marka hore Dowladda Soomaliya shaaciso in soomaaliland ay tahay dal madax banaan.!!

Waxaa uuna tilmaamay Wasiirkan u hadlay Maamulka Somaliland in Soomaaliya ay aqoonsato Soomaliland,isagoona xusay si bilaa shuruud la’aan ah ay Dowladda Soomaliya ku dhaawaqdo in Somaliland ka goosatay Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirkan ayaa hadalkan ka sheegay mar uu u Hambal yeynayey Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo laba casho uun ka hor la doortay.

Maamulka Somaliland ayaa doonaya in uu Somaaliya ka goosto iyaga oo dadaal dheer ugu jiray 27 sano ee lasoo dhaafay sidii ay u noqon lahaayeen Dowlad madax banaan walow Somaaliya mar kasta taagan tahay in Somaliland tahay qayb kamid ah Somaaliya.

Dhawaan Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo oo u hambaleyeynaya Madaxweynaha cusub ee Maamulkaas Muuse Biixi ayaa sheegay in uu ku rejo weyn yahay in ay dib u bilaab maan wada hadaladii u dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Sidoo kale isla dhawaan waxaa isna mar uu warbaahinta kula hadlayey Magaalada Muqdisho Ra,iisul Wasare ku xigeenka Dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in uu rejo wacan ka qabo in wada hadaladii bilaabmaan isaga oo Muuse Biixina ku tilmaamay Nin Soomalida yaqaana,Waxaa xususid Mudan in Ra,iisul Wasaaruhu yahay Nin kasoo jeeda Gobalada Waqooyi.

HALKAN KA DAAWO RA,IISUL WASAARE KU XIGEENKA