Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Khaatumo Axmed Xaaji Cali oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in Khaatumo ay Hambalyo u dirayso Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Sida ay Hambalyada ugu direen Dawladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira Qaarkood.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaa wax laga waydiiyey Halka uu ku dambeeyay Madaxwaynihii Madaxwaynihi Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ?
Wuxuu sheegay inuu Hada ku sugan yahay magaalada Hargeisa, Halkaasi oo uu tagay Xiligii ay Bilaabatay Doorashadu “Madaxwaynihii khaatumo wuxuu ku sugan yahay Hargeisa, Wuxuu u shaqaynayaa Ummadiisa, Howlo Qaran ayuu hayaa “ Ayuu yidhi .
Ugu dambayntii Wasiirka oo dhowaan sheegay inuu iska Casilay maamulka uu Hogaamiyo Cali Khaliif ayaa la waydiiyey sababta uu dib ugu soo Noqday, Wuxuuna sheegay in Madaxwayne Cali khaliif diiday inuu ka Aqbalo Iscasilaadii, hadana uu shaqadiisa kusoo Noqday.