WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maamulka Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray amniga Muqdisho

By Xuseen Post

April 12, 2021

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare ayaa sheegay in aan la aqbali doonin cid kasta oo isku dayda in ay sameyso  xasilooni darro iyo khalkhal amni oo keena burbur.

Guddoomiye ku xigeenka  oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in Xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho ay tahay mid aad u wanaagsan ,isala markaana ay Ciidamada gacanta ku hayaan xaaladda nabadgelyo ee magaalada.

Cali Yare  ayaa ku nuuxnuuxsaday in caasimadda ay tahay goob ay ku shaqeeyaan heyadaha dastuuriga ah ee dalka,sidaa daraadeena sharciga la horgeyn doono cid kasta oo ku xadgudubta shuruucda dalka.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Guddoomiye Cali Yare.