WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar kasoo saaray Banaanbaxyada

By xuseen waashitoon

January 09, 2022

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga Caasimadda kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ayaa inta uu socday waxaa aad loo falan qeeyay sidii loo xalin lahaa caqabadaha kajira dhinaca amniga iyo la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa shirka kadib Warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay sidii amniga Caadimadda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn karo.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Gudoomiye Cali yare Cali in Maamulka gobolka Banaadir uu u madax banaan yahay ammaanka Caasimadda ayna ku fara adeegno, wuxuuna si cad u sheegay in aan muqdisho lagu qaban karin Banaanbax aan fasax looga heysan Maamulka Gobolka Banaadir.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA