Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamo difaaca Beledxaawo ay u dirayaan, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay Ciidamada Kenya ka wadaan dhul boob xooggan oo ay gudaha ugu soo galeen degmadaas, kana qodeen godod waa weyn, si darbi uga dhisaan.
Shacabka ku dhaqan Beledxaawo ayaa sameeyay dibad bax rabshado wata, iyadoo ciidamada Kenya ay rasaas ku kala eryeen dadkan oo ka careysnaa cagaf-cagafyo ay Kenya ku burburisay guryo ku yaalla xaafado ka tirsan Beledxaawo.
Guddoomiye kuxigeenka amniga Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya dagaalkii ay kula jireen Al-Shabaab u wareejinayaan dagaal ka dhan ah Ciidamada Kenya oo uu sheegay in xadgudub iyo dhul boob ka wadaan Beledxaawo.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaa uu sheegay in ciidamo laga dirayo deegaanada Gedo, si ay u gacan siiyaan shacabka oo wada dhaq dhaqaaq looga difaacayo ciida Soomaaliya dhul boobka ay wadaan Kenya.
Baraha Bulshada ayaa la soo dhigay muuqaalo dad shacab ah oo u badan haween iyo dhalinyaro oo dhagxaan ku tuuraya gawaarida gaashaaman ee Ciidamada Kenya ee ku sugan Beledxaawo.
Xaaladaha ku soo kordhay Beledxaawo ee dhul boobka iyo xadgudubka ay Kenya ka geysaneyso ayaa wali wax hadal ah ka soo saarin dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Xukuumadda, iyadoo arrintan shalay uu ka hadlay Aqalka Sare, kuwaasoo u yeeray Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda.