WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maamulka G/Banaadir oo mamnuucay Banaanbax ka dhaca Muqdisho

By xuseen waashitoon

January 11, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa loogu hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho iyadoona Duqa Magaalada Muqdisho uu warbixin ka siiyay ka qeybgalayaasha shirka waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay soo dhaweeyeen dhamaan daneeyeyaasha Siyaasadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeesyo hor leh iyadoona aan la aqbali doonin in Caasimadda ay ka dhacaan Banaanbaxyo uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir. waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Nabadgelyada Caasimada.

Maamulka Gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho aysan ka dhici karin dibadbaxyo uusan maamulka ka war heyn, xili lagu wado in  maalinta khamiista uu Muqdisho ka dhaco Banaanbax.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA