Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay imaanshaha Fahad Yaasiin ee Muqdisho

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa ka hadlay imaanshaha Magaalada Muqdisho ee Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Cali Yare ayaa sheegay in arroornimadii hore ee saakay ay Caasimadda soo gaareen Fahad Yaasiin iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Qaranka oo ku yimid diyaarad gaar ah oo kasoo qaaday dalka Turkiga.

Waxaa uu sheegay Cali Yare in soo laabashada Fahad uu ku faraxsan yahay, ayna tahay arrin weyn, isla markaana muddadii uu xilka NISA haayay uu isbedel amni ka sameeyay Muqdisho, isagoona xusay inay yaraadeen weeraradii iyo dilal qorsheysnaa ee dhici jiray.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in imaatinka Fahad ay kusoo aaday, xili la wada sugayay oo baahi loo qabay saameyntiisa uu ku lahaa difaacayey dalka, wuxuuna Carabka ku dhuftay inay soo dhaweynayaan imaanshaha Fahad Yaasiin.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Exit mobile version