Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ka hadlay Dagaalkii saaka iyo wararkii ugu danbeeyay-Video

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa Hadalo kulul Warbaahinta isku Mariyey kadib markii Ciidamada S.land ay Saaka gelinkii hore  si fudud ku qabsadeen Degmada Tukaraq ee gobolka Sool, Iyadoona  la sheegay in khasaare kooban uu ka dhashay Weerarkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka Warfaafinta  Somaliland C.raxmaan Guri-barwaaqo oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa sheegay inay waayadan jirtay daan-daansi uga yimid dhinaca Puntland, Wuxuuna sidoo kale dhaliilay Booqashadii Wasiir ka tirsan DF Somalia oo yimid Sanaag,  Wuxuuna sheegay inay P.land magaalada Qoriley ku weerartay Garaad Jaamac Garaad Cali, Sidoo kalana ay Tukaraq dhowaan ku weerartay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil . Siduu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale  Puntland ayaa sheegtay inasan gacmaha Laaban doonin,  Waxayna sheegtay in Somaliland ay kusoo duushay Kastamkii Puntland ayna soo qaaday Duulaan Qaawan,  Waxaana u hadlay Afhayeenka Xukuumada Puntland C.laahi Jaamac Qudhaan-jecel.

Exit mobile version