Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:“Maxamuud Garaad hadaan nahay iyo Fiqishini,Kalsoonidii waan kala noqonay Faratoon,,-Video

Adhicadeeye waxa ka hadlay xubno sheegay inay ka midyihiin beesha M Garaad ayagoo hadalo laga yaabay soo bandhigay, waxayna ka hadden Aqal ay sheegeen in Siilaanyo seexan jirey, sidoo kale waxay kalsoonidii kala noqdeen Faratoon oo ah wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Siilaanyo, waxay sheegeen in Yasiin Faratoon ka hortaagan yahay xuquuq ay lahaayeen iyo weliba sideey sheegeen degmanimo Siilaanyo siiyey oo miisaanidii oo ka hor istaagay. Waxay shegeen in deegaanka Adhicadeeye yahay kan Somaliland u kasbay dadka badan, basse KULMIYE uu lumiyey kalsoonidoodii, ayagoo sheegay inay xisbiga Wadani ee H Yoonis u dega rogan doonaan, kan H Awela ay ka leexan doonaan.

HALKAN KA DAAWO…

Xubnahan ka hadlay Adhicadeeye ayaa uun ka turjimaya marxalada uu marayo qabiilkii la odhan jirey Dhulbahante, kaasoo warbaahinta kadirir dhexdooda ahi ka soo hadhay, ayadoo ay tahay mid aan cusbeyn in hadalo noocani soo yeedhaan goorkasta, waxana arimahan ku salaysan qabiilka warbaahita lagaga hadlayo markii hore abaabuley Faratoon oo hada ay u muuqato in isla isagii loo adeegsanayo odhaahyadiisii oo ka abaabuley Laascaanood iyo qaybo ka mid ah Soolba.

Horufadhi.com@gmail.com

Exit mobile version