Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan la qaatay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Kulanka dhexmaray Musharaxiinta iyo Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa looga hadlay xal u helida arrimaha doorashooyinka iyo sidii Musharaxiinta u taageri lahaayeen Shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Musharaxiinta ayuu Agaasimaha Madaxtooyada tilmaamay inuu ujeedkiisa ahaa sidii loo taageeri lahaa Shirka looga hadlayo doorashada ee shalay ka furmay Muqdisho.