WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood Shacabkii ugu badnaa oo iskugu soo baxay ROOB-DOON-Video

By Abdi rashid

April 22, 2019

Laascaanod (HM ) Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood oo Saaka isugu soo baxay banaanka magaalada, Iyadoona Salaad Roob doon ah lagu Tukuday Garoonka Ismaaciil Mirre, Waxaana   Alle laga baryey inuu   deeqdiisa Balaadhan iyo raxmadiisa u shubo.

HALAN KA DAAWO VIDEO

Culimada gobolka Sool oo  uu hogaaminayo Sheekh Aadam Wali ayaa bulsha uga digey inay ka dhaga adaygaan u soo noqoshada Alle iyo danbiyada waaweyn ee uu ugu horreeyo dilalka .

Wuxuuna sheekhu halkaasi uga duceeyay Bulshada, isagoona alle ka baryey Raxmaad Khayr leh, Waxaana  Arintan kusoo beegmaysaa xili deegaanada Soomaalida Qaybo badan oo kamid ah ay ka jirto Xaalada Abaareed